Madaxweyne Farmaajo oo u safray dalka Turkiga

Madaxweyne Farmaajo oo u safray dalka Turkiga. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u safray dalka Turkiga maanta oo Talaado ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa marti-qaad ka helay dhiggiisa dalka Turkiga Reccep Tayip Erdogan.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo warbaahinta garoonka diyaaradaha Muqdisho kula hadlay, ayaa sheegay in madaxda labada dal ay ka wadahadli doonaan xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha ayaa safarka waxaa ku weheliya masuuliyiin katirsan golaha wasiiradda iyo baarlamaanka.

Turkiga ayaa Soomaaliya siinayay caawimaad shanti sanno ee u dambaysay, iyadoo labada dal ay wada-galeen heshiis iskaashi oo dhaqaale iyo mid milatariba ah.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*