Puntland

Madaxweynaha Puntland oo xalay kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Muqdisho ciyaartowga kubada cagta Puntland. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]

Madaxweynaha Puntland oo kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Muqdisho ciyaartowga kubada cagta Puntland

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xalay kulan casho sharaf ah ugu sameeyay Muqdisho ciyaartowga kubada cagta Puntland ee ka qeyb galaya tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya. Madaxweyne Cabdiweli ayaa dhalinyatada ciyaartowga ah kula taliyay  in ay ilaashadaan sumcadooda iyo sharaftooda ayna hagaajiyaan akhalaaqdooda, dabeecaddooda iyo diintoodaba. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhalinyarada u balanqaaday in dhawaan la casriyeyn[Read More…]

by December 9, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Sawirka baarlamaanka Puntland.

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay miisaaniyada 2018

Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyay miisaaniyada 2018, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka. 50 xildhibaan ayaa kasoo qeybgalay kulanka maanta oo Khamiis ah ka dhacay caasimada Garoowe, 47 xildhibaan ayaa ogolaaday in la ansixiyo miisaaniyada, sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka Axmed Cali Xaashi. Miisaaniyada sanadka 2017 ayaa dhan $ 92,713, 364, waxaana ka muuqata is dhin marka loo fiirsho[Read More…]

by December 7, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Isimada Puntland oo ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka taagnaa dekada magaalada Boosaaso. [Xigashada Sawirka: Puntland Post]

Isimada Puntland oo ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka taagnaa dekada magaalada Boosaaso

Boosaaso-(Puntland Mirror) Isimada Puntland ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaafkii ka taagnaa dekada magaalada Boosaaso, sida manta oo Arbaco ah uu sheegay Boqor Burhaan Boqor Muuse. Munaasabada lagu soo bandhigayay heshiiska ayaa maanta ka dhacday magaalada Boosaaso, waxaana ka qeybgalay masuuliyiin katirsan dowladda iyo ganacsatada. Qodobada lagu heshiiyay ayaa ah: In laga wada shaqeeyo nabadgelyada Dawladdu inay soo bandhigto[Read More…]

by December 6, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Sawirka: Ciidamo katirsan booliiska Puntland.

Taliyihii saldhiga dhexe ee ciidamada booliiska Gaalkacyo oo lagu dilay qarax

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Taliyihii saldhiga dhexe ee ciidamada booliiska magaalada Gaalkacyo Cali Magafe ayaa lagu dilay qarax, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah. Taliyaha ayaa bumbo gaarigiisa loogu rakibay ku qaraxday saakay oo Arbaco ah gudaha magaalada Gaalkacyo, sida ay ilo-wareedku sheegeen. Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyada weerarkaas lagu dilay taliyaha.

by December 6, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Wasiirka Maaliyada Puntland oo baarlamaanka horgeeyay miisaaniyada sanadka 2018

Wasiirka Maaliyada Puntland oo baarlamaanka horgeeyay miisaaniyada sanadka 2018

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka Maaliyada Puntland ayaa manta oo isniin ah baarlamaanka horgeeyay miisaaniyada sanadka 2018 ee Puntland. Miisaaniyada sanadka 2018 ayaa lagu qiyaasayaa $92,713, 364, Wasiirka Maaliyada Cabdullaahi Siciid Caarshe ayaa sheegay in miisaaniyada laga saaray lacago laga filayay haayadaha Qaramada Midoobay. Baarlamaanka ayaa ka doodi doona meelmarinta miisaaniyada dhowrka maalmood ee soo socda, sida xubno katirsan baarlamaanka ay u[Read More…]

by December 4, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Sawirka: Taliyaha ciidamada booliiska magaalada Garoowe, Kornayl Maxamuud Muuse Bile.

Taliyaha ciidamada booliiska Garoowe oo digniin u jeediyay dhalinyarada falalka amniga lidka ku ah sameeya

Garoowe-(Puntland Mirror) Taliyaha ciidamada booliiska magaalada Garoowe ayaa digniin u diray dhalinyarada falalka amni darada ah magaalada gudaheeda ka sameeya. Kornayl Maxamuud Muuse Bile oo oo loo yaqaan Fardafuul oo shir jaraaid ku qabtay maanta oo Sabti ah xabsiga dhexe ee Garoowe ayaa yiri: “Waxaan sheegayaa cid alaale iyo cidii aan ku soo qabanao falalka kala ah kuwa moobilada  furta[Read More…]

by December 2, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Sawirka: Mar hore oo Madaxweynuhu tagay Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland oo gaaray Muqdisho si uu uga qeybgalo shirar ka dhici doona halkaas

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa manta oo Sabti ah tagay magaalada Muqdisho. Kahor inta uusan ka dhoofin Garoowe, Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Muqdisho uga qeybgalayo shir ku saabsan amniga qaranka iyo shir kale oo ay isugu imaan doonaan beesha caalamka iyo madaxda Soomaalida. “Waxaan ku socdaa Muqdisho oo aan kaga qaybgalayo shir ay isugu imanayaan beesha[Read More…]

by December 2, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali oo warbaahinta kula hadlaya aqalka madaxtooyada manta. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]

Madaxweynaha dowladda Puntland oo Garoowe ku soo noqday kadib safar shaqo ee dalka Itoobiya

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa manta oo Jimce ah dib ugu soo noqday caasimada Puntland ee Garoowe kadib dhowr maalmood oo uu safar shaqo ku joogay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweynaha ayaa garoonka waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan golayaasha dowladda iyo dad shacab ah. Cabdiweli oo warbaahinta kula hadlay aqalka madaxtooyada ayaa sheegay[Read More…]

by December 1, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Garoowe iyo Boosaaso. [Sawirka: Puntland Mirror]

Saddex qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay meel u dhow Garoowe

Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay hal qof oo kalena waa uu ku dhaawacmay shil gaari, sida ilo-wareedyo caafimaad ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror. Shilka ayaa ka dhacay saq dhexe xalay wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Garoowe iyo tuulada Laanta-hawada. Gaari noociisu ahaa X-Trail ayaa shilka galay, sida ay ilo-wareedku sheegeen. Waxaa jiray shilal is[Read More…]

by November 29, 2017 0 comments Puntland
Sawirka: Hoggaamiyaha maleeshiyada ISIS ee Puntland Cabdiqaadir Muumin.

Milatariga Mareykanka oo sheegay in ay qaadeen duqayn ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan Puntland

Garoowe-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay in ay qaadeen duqayn ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan Puntland, Soomaaliya, waxaana lagu dilay hal qof. “Iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Mareykanka waxay qaadeen duqayn ka dhan ah ISIS ee waqooyi-bari Soomaaliya 27 November, waxaana lagu dilay hal kamid ah argagixisada,” Taliska Mareykanka ee Afrika[Read More…]

by November 28, 2017 0 comments Puntland, Somali News
Scroll Up