Heshiis laga gaaray 17 xubnood ee SSC

Garoowe-(Puntland Mirror) Waxaa heshiis laga gaaray 17-ka kursi ee SSC ka dib markii dhinacyadii muranku ka dhex jiray ay dadaal u galeen sidii heshiis loo gaari lahaa.

17-ka kursi ee SSC ayaa ka qayb galaya doorashada Puntland, waxaana guddiga ansixinta ay soo saari doonaan liiska 66 xubnood saacadaha soo socda, sida ilo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Isimada SSC-Khaatumo ayaa dhawaan ku dhawaaqay in aysan soo xulli doonin 17-kii xildhibaan eek u matali jiray Puntland, aysana kamid ahanyn Puntland, maadaama ay samaysteen maamul iyaga u gaar ah.

Go’aanka isimada SSC-Khaatumo ayaa waxaa taageray isimada Puntland. Musharrixiinta madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale taageeray go’aanka isimada SSC-Khaatumo, iyagoona ku eedeeyay in madaxweynaha uu rabo in uu banaanka ka qorto 17 xildhibaan, taasoo keentay khilaaf.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*