Deni oo dib loogu doortay madaxweynaha Puntland

Siciid Cabdullahi Deni. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah dib loogu doortay madaxweynaha Puntand kadib doorasho ay la tartameen ilaa 9 musharax.

66 xildhibaan oo katirsan golaha baarlamaanka ayaa codeeyay. Siciid ayaa 45 cod helay wareeggii 3-aad halka musharixii la loolamayay Guuleed Saalax Barre uu helay 21 cod, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Deni oo noqonaya madaxweynihii kowaad ee Puntland dib loo doorta, ayaa waxaa u bilaabmi doona shan sanno oo uu cusub ee uu hoggaamin doono Puntland, dowlad goboleedkii ugu horeeyay federaalka Soomaaliya.

Musharrax la loolamayay Guuleed Saalax ayaa u hambalyeeyay Deni, isagoo sheegay in uu la shaqayn doono.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*