Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya oo isku casilay musharraxnimada madaxtinimada Puntland

Wasiirka arrimaha dibada Dowladda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka arrimaha dibada Dowladda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta oo Isniin ah iska casilay xilkiisa, sida ku xusan warqada iscasilaada oo uu gudbiyay Raysulwasaare Xamse Cabdi Bare, taasoo wasiirka u uku faafiyay boggiisa Facebook.

Huruuse oo xilka hayay muddo labbo sanno ku dhow, ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay siu u ugu biiro musharixiinta madaxweynaha Puntland 2024, iyadoo qorshuhu yahay in isla maanta uu soo gaaro caasimada Puntland ee Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*