Boqor Burhaan Boqor Muuse oo isimada Puntland kulan deg-deg ah ugu yeeray si looga tashto aayaha

Boqor guud ee Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Boqorka guud ee Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa isimada Puntland ugu yeeray kulan deg-deg ah kadib go’aankii isimada SSC-Khaatumo ee xubnaha baarlamaanka ku metela Puntland.

Boqorka ayaa qoraal boggiisa Facebook lagu daabacay maanta oo Axad ah ugu baaqay bulshada reer Puntland in ay isdejiyaan, isimaduna ay shir deg-deg ah isugu yimaadaan.

“Waxaan shacabka Puntland ugu baaqayaa in ay is dejiyaan, waxaan rajeynayaa in aysan wax dhib ah dhaceyn. Maadaama xaaladda guud ee dalku is beddeshey taas oo ku timid si degdeg ah, isla markaana ku beegantey wakhti xasaasi ah. Waxaan ku baaqayaa in Isimmada Puntland shir degdeg ah isugu yimaadaan si looga tashado aayaha Puntland”, ayuu boqorku ku yiri qoraalkiisa.

Waxa u uku daray “waxaan maamulka Puntland, musharixiinta iyo siyaasiyiinta kale ugu baaqayaa in meel la iska dhigo faraqa u dhexeeya loona midoobo badbaadinta Puntland.”

Isimada SSC-Khaatumo ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in aysan soo xulli doonin 17-kii xildhibaan eek u matali jiray Puntland, aysana kamid ahanyn Puntland, maadaama ay samaysteen maamul iyaga u gaar ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*