Al-Shabaab oo qarax gaari ku bartilmaameedsatay kolonyo katirsan Midowga Yurub gudaha Muqdisho

Haraadiga baabuurta oo lagu arkayo wadada Muqdisho uu qaraxu ka dhacay. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho -(Puntland Mirror) Baabuur gaashaaman oo kolonyo ah oo ay leeyihiin Midowga Yurub ayaa waxaa beegsaday qarax gaari gudaha Muqdisho maanta oo Isniin ah, sida ay warar ku sheegeen.

Ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa, balse hal gaari oo kamid ahaa kolonyada ayaa waxyeelo gaartay, sida ay wararku sheegeen.

Muuqaal la soo dhigay Twitter-ka ayaa muujinaya qiiq daruuro ah oo ka soo baxaya goobta qaraxu uu ka dhacay.

 

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida website-yada afka Al-Shabaab ku hadla ay sheegeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*