Shir u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo ka furmi doona Muqdisho

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shir u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa la filayaa in asbuucaan gudihiisa uu ka dhaco magaaalada Muqdisho, sida ilo-wareedyo ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa ku sii jeeda Muqdisho si ay uga qeybgalaan shirka oo uu hoggaamin doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa ammaanka dalka, wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, hanaanka doorashada hal qof iyo hal cod, iyo isku dhafka ciidamadda.

Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa shirar hore ku yeeshay Muqdisho intii uu xafiiska joogay Madaxweyne Farmaajo, oo sideeda bishaan Febaraayo ku beegantahay mudadii uu xafiiska qabtay sanad kahor.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*