Liiska xubnaha la shaaciyay 70% waa sharci daro, guddoomiyaha guddiga ansixinta khilaafaadka baarlamaanka Puntland

Isxaaq Cumar. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka Puntland Isxaaq Cumar ayaa sheegay in madaxtooyada Puntland ay farogelin weyn ku samaysay shaqada guddiga.

Shir saxaafadeed uu qabtay saakay oo Isniin ah, ayaa guddoomiyuhu sheegay in madaxtooyada ay liis ay soo diyaarsadeen oo aan saxiix ka haysan odayaashii dhaqanka rasmiga ahaa ay u keeneen guddiga, taasoo ka dhex samaysay khilaaf guddiga dhexdiisa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu hakiyay shaacinta liiska kadib markii khilaafka xoogan dhashay, balse si sharci daro ah qeyb kamid ah guddiga ay xalay saq dhexe ugu dhawaaqeen liis.

“Waxaan rabaa in aan bulshada Puntland u sheego wixii xalay meesha ka dhacay aysan waxba ka jirin, oo aan anigu waxba ku lahayn hadday saxiix ahaan lahayd iyo ogolaanshaba,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga.

Musharrixiinta Puntland ayaa hadda shir uga socdaa Garoowe si ay uga wada-hadlaan khilaafka ka taagan ansixinta xildhibaanada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*