Cabdirisaaq Axmed Siciid oo loo doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka

Guddoomiyah cusub u doortay Cabdirisaaq Axmed Siciid. [Isha Sawirka: Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah guddoomiye cusub u doortay Cabdirisaaq Axmed Siciid kadib doorashada oo ay ka qeybgaleen xildhibaanada dhawaan la soo xulay.

Cabdirisaaq ayaa wareegii kowaad helay 37 cod, halka labadii tartame ee ugu dhawaa ay heleen mid 10 cod. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo isna tartamayay ayaa helay 8 cod.

Guddoomiyaha cusub oo ah nin dhallinyaro ah ayaa horey u soo noqday guddoomiyihii Guddiga Gumeemlgaarka ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ayaa loo doortay Maxamed Baari Shire, halka kan labaad loo doortay Maxamed Maxamuud Ciise oo loo yaqaan Awoowe.

Baaralamaanka Puntland ayaa 8-da Janaayo qorshuhu yahay in ay doortaan madaxweyne iyo ku xigeen.

Falaanqeeyasha siyaasadda ayaa sheegaya in doorashada maanta ay sumad u tahay isbeddel cusub oo ka dhaca Puntland, kaasoo ay hormuud u yihiin jiil dhallinyaro ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*