Riek Machar: magacaabida madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Suudaan ‘waa sharci daro’

Machar
Madaxweyne ku-xigeenkii hore Koonfurta Suudaan Riek Machar.

Juba-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Koonfurta Suudaan Riek Machar ayaa ku tilmaamay xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweyne Salva Kiir “Mid sharci daro ah”.

Wareysi khadka taleefoonka uu Arbacadii Machar ku siiyay taleefishinka Al Jazeera ayuu ku yiri: “ Wali waxaan ahay madaxweyne ku-xigeenka dalka Koonfurta Suudaan, magacaabida uu shalay sameeyay Madaxweyne Salva Kiir waa sharci daro.”

“Maahan wax asaas leh sababtoo ah heshiiskii nabada ma siinayo isaga awooda inuu magacaabi karo madaxweyne ku-xigeen inta lagu guda jiro xaaladahaan.” Ayuu sii raacshay Machar.

Madaxweyne Kiir ayaa Machar ku badalay maalintii Isniinta Janaraal Taban Deng Gai, kadib markii dagaalo ay ka dhaceen caasimada Juba bilowgii bishaan kuwaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo kuwa mucaaradka ee uu hoggaamiyo Machar.

Machar ayaa ka cararay caasimada, Juba, labo asbuuc kahor wuxuuna ahaa mid qarsoon tan iyo intaas wixii ka dambeeyay.

Machar ayaa al Jazeera u sheegay in hadda uu joogo meel u dhow Juba, isagoo intaas ku daray, si kastoo ay hataaba inuu ku noqon doono caasimada markii ciidamo dibada ka socda la keeno.

“Waxaan jooga aaga Juba,” ayuu yiri Machar.

“Waxaan sugayaa beesha caalamka iyo dowladaha gobolka in ay dhahaan waxaan ciidamo u diraynaa Juba markii ay taas sameeyaan, waan noqon si aan u fuliyo heshiiska nabada.” Ayuu ku daray Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Koonfurta Suudaan.

Laakiin, Machar ayaa sheegay, haddii beesha caalamka ay ku fashilanto in ay soo faragaliso, inuu amri doono taageerayaashiisa in ay mudaharaad ka sameeyaan caasimada Juba mustaqbalka.

Ugu dambayna, Machar ayaa carabka ku adkeeyay in haddii aan si deg deg ah wadamada gobolka iyo beesha caalamka aysan xaalada u soo faragalin in ay jabayaan heshiisyada nabada ee la gaaray oo u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweyne Salva Kiir.

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa madax-banaanidiisa qaatay sanadkii 2011, balse labo sanno kadib wuxuu galay dagaalo sokeeye oo u dhaxeeyay kooxda Mucaaradka ee uu hoggaamiyo Riek Machar iyo ciidamada dowlada ee Madaxweyne Salva Kiir.

Kumanaan qof ayaa ku dhintay dagaaladaas, waxaana ku barakacay malaayiin kale.

Labada nin ayaa sanadkii hore dabayaaqadiisii heshiis ku gaaray caasimada Ethiopia, Addis Ababa, kaasoo lagu soo afjarayay colaadaha dalkaas ka taagnaa.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*