Farmaajo oo loo caleemo-saaray madaxweynaha 9-aad ee Soomaaliya

Farmaajo oo loo caleemo-saaray madaxweynaha 9-aad ee Soomaaliya[Xigashada sawirka: Reuters]
Farmaajo oo loo caleemo-saaray madaxweynaha 9-aad ee Soomaaliya[Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Arbaco ah loo caleemo-saaray madaxweynaha 9-aad ee Soomaaliya.

Munaasabada caleemo-saarka ayaa lagu qabtay goobta Afisyoone ee gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Khudbadiisii, waxa uu balanqaaday in uu soo celin doono haybadii iyo karaamadii dadka Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 8-dii bishaan Febaraayo Farmaajo u doortay madaxweynaha dalka.

Hoggaamiyaasha dowladaha deriska la ah dalka Soomaaliya oo ay kamidyihiin Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Raysulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa kasoo qaybgalay caleemo-saarka madaxweynaha cusub.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa Madaxweynaha cusub ka filaya in uu wax ka qabto ammaan la’aanta iyo xaaladaha dhaqaale xumo ee dalka ka jira.

Farmaajo waxa uu xafiiska hayn doonaa muddo afar sanno ah, sida uu qorayo dasruurka federaalka Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*