Ugu yaraan labo askari oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay degmada Dayniile ee Muqdisho

Shil gaari
Gaariga shilka galay oo noociisa ahaa Toyota Hilux. Sawirka: sonna.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhimatay shil gaari oo Arbacadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa ka dhacay degmada Dayniile, waxaana shilkaas ku dhaawacmay guddoomiyaha degmada Dayniile, Axmed Nuur Siyaad.

Guddoomiyaha ayaa gaariga waday oo noociisa ahaa Toyota Hilux, labada askri ee ku dhintay ayaa ahaa ilaaladiisii, sida uu u sheegay wakaalada wararka dowlada Soomaaliya ee Sonna.

“labo kamid ah ilaaladayda amaanka ayaa ku dhimatay, shan kalena waa ku dhaawacmeen oo ay saddex kamid ah dhaawac daran yihiin, anigu waan ka badbaaday anaana waday gaariga markii shilka uu dhacay,” guddoomiyaha degmada Dayniile Axmed Nuur Siyaad ayaa sidaa yiri.

Shilalka ayaa aad ugu badan Soomaaliya, waxaana sanad walba ku dhinta boqolaal qof. Shilalka dalka ka dhaca ayaa waxaa sababa wadooyinka oo aan wanaagsanayn iyo xirfad-xumo dhanka darawalada gaadiidka ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*