Shirka amniga qaranka oo ka furmay magaalada Baydhabo

Shirka amniga qaranka oo ka furmay magaalada Baydhabo. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Madaxtooyada Puntland]
Baydhabo-(Puntland Mirror) Shirka amniga qaranka ayaa maanta oo Isniin ah ka furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Masuuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa ka qeybgalay shirka.

Shirku inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha amniga iyo xasilinta dalka. Waa shirkii afraad oo ay yeeshaan Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada tan iyo sanadkii 2017-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*