Wasaaradda Cadaalada iyo Diinta & Awqaafta Puntland oo joojisay Jamaacada Salaada Ciida

Masuuliyiinta dowladda oo uu ku jiro madaxweyne Deni oo salaada ciida ku tikanaya garoonka Mire Awaare, Garoowe, Agoosto 11, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaaradda Cadaalada iyo Diinta & Awqaafta Puntland ayaa joojisay Jamaacada Salaada Ciida, waxayna ku amartay dadka in ay guryahooda ku tukadaan, taasoo qeyb ka ah hababka lagula dagaalamayo xanuunka coronavirus.

Dabaaldega Ciida ayaa noqon doona Sabtida ama Axad midkood, waxayna ku xirantahay aragtida dayaxa.

Sida dhaqanka ahayd, ciidaha ayaa lagu tukan jiray masaajida iyo xarumaha banaan sida garoomada kubada cagta.

Soomaaliya keliya ma ahan balse adduunka oo dhan ayaa dhacdadan saameyn doontaa, oo ay kamidtahay joojinta saalada Ciida, booqashooyinka qaraabada iyo dabaaldegyada kale, sababtoo ah dhibbaatada uu keenay xanuunka dunida oo dhan ku faafay ee coronavirus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*