Mareykanka oo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Mareykanka ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya.

“Iyada oo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ciidamada Mareykanku waxay sii wadi doonaan burburinta khatarta argagixisada ee Al-Qaacida iyo garabkooda Soomaaliya ee Al-Shabaab, iyo si la mid ah khatarta ISIS ee Soomaaliya.” Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sidaa ku sheegay bayaan.

“Waxaanu sii wadi doonaa la shaqeynta saaxiibadayada si loo taageero AMISOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku doonayaan in ay ku sameeyaan dowlad wanaag, horumar iyo xasilooni.” Ayaa lagu sii yiri bayaanka.

Ogeysiinta Mareykanka ayaa timid maalin kadib markii hal askari oo Mareykan ah la dilay afar kalena lagu dhaawacay weerar Al-Shabaab oo ka dhacay maamul goboleedka Jubbaland.

Intii lagu guda jiray sanadkan, Mareykanka ayaa ka geystay in ka badan 10 duqeymood gudaha Soomaaliya, duqentii ugu dambeysay ayaa ka dhacday meel qiyaastii 26 km dhanka koonfur-galbeed ka xigta magaalada Boosaaso asbuucii lasoo dhaafay, waxaana lagu dilay 27 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*