Madaxweyne Deni oo sifayna masuuliyiin xiriir la leh saaxiibadiis hore ee Nugaal

Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni. [Isha Sawirka: Puntland State House]

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa magacaabay xilal cusub oo ay ku jiraan agaasimeyaal guud, guddoomiye gobol, taliye booliis gobol iyo la taliyeyaal, sida lagu sheegay digreetooyin soo baxday xalay saq dhexe.

Masuuliyiinta u magacaabay ayaa u badnaa kuwo ka soo keeda gobolka Nugaal, taasoo u muuqata tilaabo uu madaxweynuhu ku doonayo in uu taageero kaga helo gobolka. Intooda badan masuuliyiinta cusub uu magacaabay ayaa ah kuwa taageersan siyaasadiisa, iyagoo bedelaya masuuliyiin hore kuwaasoo xiriir la lahaa saaxiibadii hore ee Deni, oo hadda ka soo horjeeda.

Waxay ku soo beegmaysaa dhowr maalin kadib markii Garoowe uu ka dhacay dagaal badan ku dhinteen oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo ciidamo taageersan mucaaradka oo madaxweynaha ku eedeeyay in uu rabo ku darsi ama doorasho uu ku shubto isaga oo u maraya nidaamka xisbiyada badan.

Madaxweyne Deni oo la doortay 8-dii Janaayo 2019 ayaa muddo xileedkiisii waxaa ka harsan lix bilood. Waxaa la filayaa in ismada Puntland ay dhawaan kulan isugu imaan doonaan ay uga wada-xaajoon doonaan doorashada 2024.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*