Mareykanka oo shaaciyay askarigii lagu dilay gudaha Soomaaliya

Staff Sgt. Alexander W. Conrad, askarii Mareykanka ahaa ee lagu dilay Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Department of Defense]
Washington-(Puntland Mirror) Askarigii Mareykanka ahaa kaasoo lagu dilay weerar ka dhacay Soomaaliya ayaa la sheegay in uu ahaa askari muddo sideed sanno ah kamid ah ciidamada Mareykanka, kana soo shaqeeyay Afghanistan.

Staff Sgt. Alexander W. Conrad ayaa ahaa 26-sanno jir ka soo jeeda gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

Askariga ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerar, sida ay bayaan ku sheegeen Waaxda Difaaca Mareykanka.

Afar askari oo Mareykan ah ayaa sidoo kale lagu dhaawacay kadib markii uu dagaal ku qabsaday gudaha Soomaaliya xilli lagu jiray weerar ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay tuulada Sanguuni oo qiyaastii 50 km dhanka waqooyiga ka xigta magaalo xeebeedka Kismaayo Jimcadii, sida ay sheegeen dadka deegaanku.

Conrad ayaa ciidamada Mareykanka ku biiray bishii June ee sanadkii 2010-kii waxaana uu soo qaatay tababaro kala duwan, sida lagu sheegay bayaanka.

Conrad ayaa labo jeer kasoo shaqeeyay dalka Afghanistan muddadii u dhaxeysay 2012-kii ilaa 2014-kii.

Dhimashadiisa ayaa noqoneysa tii kowaad oo ciidamada Mareykanka ku timaada gudaha Afrika tan iyo markii afar askari oo Mareykan ah lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay dalka Niger bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka tacsiyeeyay dhimashada soo gaartay askariga.

 

“Waxaan dareenkayga iyo ducadayda la wadaagayaa qoysaska adeegaheena kaasoo la dilay iyo saaxiibadiisa ku dhaawacmay gudaha Soomaaliya,”Dhammaantooda run ahaantii waa geesiyaal,” Trump ayaa sidaa ku biri boggisaa Twitter-ka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*