Burundi oo kordhisay waajibaadka ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya

Burundi oo kordhisay waajibaadka ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya. [Sawirka: AMISOM]
Burundi oo kordhisay waajibaadka ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya. [Sawirka: AMISOM]
Bujumbura-(Puntland Mirror) Burundi iyo Guddiga Nabada iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa saxiixday heshiis lagu cusaybsiinayo waajibaadka ciidamada Burundi ee gudaha Soomaaliya, sida ay sheegeen Midowga Afrika maanta oo Jimce ah.

Heshiiska ayaa imaanaya labo bilood kadib markii Burundi sheegtay in ay dhammaan ciidamadeeda katirsan AMISOM kala baxayso gudaha Soomaaliya kadib markii Midowga Yurub diideen in ay bixiyaan mushahaarka ciidamada.

“Waxaan u mahadcelinayaa dadka Burundi sida geesinimada leh ee ay noo soo dhaweeyeen iyaga iyo dowladoodu; ciidamada Burundi waa ay joogi doonaan gudaha Soomaaliya,” sidaa waxaa boggiisa Twitter-ka ku yiri Smail Chergui oo ah guddoomiyaha Guddiga Nabada iyo Ammaanka Midowga Afrika.

Chergui ayaa sheegay in dhawaan sida ugu dhaqsaha badan ciidamada Burundi ee ku sugan gudaha Soomaaliya ay heli doonaan gunnooyinkooda.

Bishii Maarso sanadkii 2016-ka, ayaa Midowga Yurub joojiyeen caawimaadoodii tooska ahayd ee ay siin jireen dalka Burundi, oo ay kamidtahay maalgelinta ciidamada Burundi ee katirsan AMISOM.

Ciidamada Burundi wax mushahaar ah ma aysan qaadan 12 bilood, sida asbuucii lasoo dhaafay uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Burundi Gaston Sindimwo.

Burundi ayaa bishii April ee sanadkii 2015-kii gashay qalalaase siyaasadeed kadib markii Madaxweyne Pierre Nkurunziza sheegay in uu mar saddexaad u tartamayo xafiiska.

Dalka Burundi ayaa si weyn ugu tiirsan caawimaad caalami ah, gaar ahaan 50 boqolkiiba kharashaadka dowladda ayaa ku tiirsan.

Midowga Yurub ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee taageera dalka Burundi.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*