DFS oo sheegtay in ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM ay weeraro culus ku qaadi doonaan Al-Shabaab si aysan u dhibaatayn doorashooyinka dalka

Somali military vehicle
Baabuurta gaashaaman ee ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya. sawirka. Gettyimages.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weeraro culus dhawaan lagu qaadi doono maleeshiyada Al-Shabaab si aysan u dhibaatayn doorashooyinka la filayao in ay dalka ka dhacaan.

Kadib kulankii  asbuuc laha ahaa ee golaha wasiirada dowlada federaalka oo maanta oo Khamiis ah ka dhacay Muqdisho, afhayeenka xukuumada Soomaaliya Cabdicasiis Cabdi Xaaji Goobdoon oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in wasaarada gaashaandhiga ay golaha kahor cadaysay in dhawaan guluf culus lagu qaadi doono kooxda Al-Shabaab.

“Wasaarada gaashaandhiga ayaa sheegtay in maalmaha soo socda ay ku tala jiraan in la qaado weeraro lagu ciribtirayo nabad diidka si looga hortago fikirkooda ah in dalka aysan ka dhicin doorasho xor ah, waa ogtihiin dee maalmahaan waxay weerarada u laba-laabayaan waxaa waaye dalka in aysan doorasho ka dhicin, marka si nimankan loo ciribtiro cabsi la’aan dalka doorasho ka dhacdo wasaarada gaashaandhiga waxay golaha kahor sheegtay in ciidamada AMISOM iyo ciidamada Soomaaliyeedba ay laba-laabi doonaan dadaalada ay ugu jiraan in la baa’abiyo dhamaan nabad diidka.” Ayuu yiri afhayeenka xukuumada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa dhawaan sheegtay in ay carqaladaynayso doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan, maleeshiyada ayaa laga saaray magaalada Muqdisho sanadkii 2011, balse wali waxay caasimada ka wadaa weeraro dhimasho leh.

Al-Shabaab ayaa u dagaalamysa sidii ay awooda uga tuuri lahayd dowlada federaalka Soomaaliya oo caalamka dabada ka riixayo.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*