Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo sheegtay in 37 degmo laga qaban doono doorashooyinka xorta ah

Golaha wasiiradda ee Puntland. [Facebook]

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah golaha wasiiradda u gudbisay in 37 degmo oo kuyaala sagaalka gobol ee Puntland laga qaban doono doorasahada qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

“Wasaaradda ayaa soo gudbisay 9-ka Gobol ee Puntland iyo degmooyinka laga qabanayo Doorashada iyadoo wadarta degmooyinku ay yihiin 37degmo oo isugu jira Heerarka (A, B iyo C) kuwaasi oo buuxiyey shuruudaha iyo habraaca xulashada degmooyinka Doorashadu ka dhacayso.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Degmooyinka la qorsheeyay in doorashadu ay ka dhacdo iyo soodimaha degmooyinka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha wasiiradda isku afgarteen in loo gudbiyo Guddiga Kumeelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland TPEC, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni uu Cabdi Faarax Siciid Juxa oo aad ugu ololeeya hanaanka xisbiyada badan ee Puntland uu u magacaabay wasiirka arrimaha gudaha si uu u hoggaamiyo hanaanka dimuqraadiyada Puntland.

Bishii Oktoobar 2021 ayaa markii ugu horeysay taariikhda Puntland saddex degmo si tijaabo ah looga qabtay doorasho hal qof iyo hal cod oo ay ku tartameen ilaa 9 urur siyaasadeed. Hanaanka dimuqraadiyada Puntland oo markaas guul fiican laga gaaray ayaa bishii Janaayo waxaa xilka iska casilay guddoomiyihii TPEC Guuleed Saalax Bare isagoo dowladda ku eedeeyay in ay wiiqayso horusocodka hanaanka. Sidoo kale musharaxnimadii madaxweyne Deni ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib u dhac weyn ku keenay hanaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Puntland oo la asaasay sanadkii 1998 ayaa weli goleyaasheeda xildhibaanada dowladda hoose iyo baarlamaanka waxaa soo xula oday dhaqameedyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*