Dablay aan haybtooda la aqoon oo sargaal katirsan ciidamada booliiska Puntland ku dishay gudaha Boosaaso

Magaalo xeebeedka Boosaaso. [Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dablay aan haybtooda la qoon ayaa dilay taliye ku xigeenkii saldhiga dhexe ee booliiska Boosaaso, sida uu sheegay sargaal ciidamada ammaanka katirsan.

Maxamed Xasan oo ah sargaal katirsan ciidamada booliiska Puntland ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in dablaydu ay ku toogteen Cabdi Dheere meel u dhow saldhiga dhexe ee Boosaaso maanta oo Arbaco ah.

Gacan ku dhiiglayaashii ayaa ka baxsaday goobta kadib toogashada, sida uu sheegay sargaalka booliiska ah.

Weerarka ayaa imaanaya labo maalmood kadib markii guddoomiye ku xigeenki hore ee gobolka Bari Khalar Ismaaciil Cabdule oo loo yaqaan (Buncun) lagu dilay gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso.

Intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, tobonaan masuuliyiinta dowladda ah oo badankood ay ahaayeen saraakiisha amaanka ayaa lagu dilay gudaha Boosaaso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*