Qatar oo 80 dal u ogolaanaysa in ay fiiso la’aan kusoo galaan gudaha dalkeeda

Qatar oo 80 dal u ogolaanaysa in ay fiiso la’aan kusoo galaan gudaha dalkeeda. [Sawirka: Archive]
Doha-(Puntland Mirror) Qatar ayaa maanta oo Arbaco ah iclaamisay barnaamij u ogolaanaya in ay fiiso la’aan ku soo gaalan dalka Qatar muwaadiniinta 80 dal.

Muwaadiniita dalal badan oo kuyaala Yurub iyo meelo kale oo ay kamidyihiin India, Lebanon, New Zealand, South Africa, iyo United States ayaa u baahan keliya baasaboor shaqaynaya hadda si ay u soo galaan dalka gaaska qaniga ku ah ee Qatar kaasoo martigelinaya Koobka Adduunka sanadka 2020.

Muwaadiniita 33 dal ayaa loo ogolaan doonaa in ay joogaan gudaha Qatar 180 maalmood halka 47 dal ee kalena loo ogolaan doono 30 beri.

“Habka xoriyada fiisaha waxay Qatar ka dhigi doontaa dalka ugu furan ee gobolka,” Xasan Al-Ibrahim, madaxa xafiiska Haayada Horumarinta Dalxiiska ee Qatar ayaa sidaa wariyeyaasha ugu sheegay shir jaraa’id gudaha magaalada Doha.

Tilaabadaan ayaa imaanaysa iyada oo Qatar ay wajahayso go’doon kaga yimid xulufada Sucuudigu hoggaaminayo kuwaasoo 5-tii bishii June ee sanadkan jaray dhammaan xiriirkii ay la lahaayeen Qatar kadib markii ay ku eedeeyeen in ay taageerto argagixisada iyo in ay xiriir dhow la leedahay Iran, balse Qatar waa ay iska fogeysay eedahaas.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*