Maxkamad kutaala Hargeysa oo labo sanno oo xabsi ah ku xukuntay wariyaha arrimaha insaanimada ka shaqeeya ee Cabdimaalik Muuse Cooldoon

Wariyaha arrimaha insaanimada ka shaqeeya ee Cabdimaalik Muuse Cooldoon. [Sawirka: Archive]
Hargeysa-(Puntland Mirror) Maxkamad kutaala magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah labbo sanno oo xabsi ah ku riday wariyaha arrimaha insaanimada ka shaqeeya ee Cabdimaalik Muuse Cooldoon.

Xeer-ilaalinta maamulka Somaliland ayaa wariyaha ku eedeeyay waxay ugu yeereen “meel uga dhac jiritaanka Somaliland” iyo in uu taageeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Qareenkiisa oo la dhaho Maxamed Abuukar oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in ay rafcaan ka qaadn doonaan xukunka maxkamada si ay u tuuraan xukunka ka dhanka ah wariyaha.

15-kii bishii Febaraayo ee sanadkan, Ciidamada ammaanka maamulka Somaliland ayaa wariye Cabdimaalik Muuse Cooldoon ku xiray garoonka diyaaradaha ee Hargeysa xilli uu ka soo noqday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*