Beesha caalamka oo soo dhoweysay go’aanka Madasha Hogaanka Qaran ee ku saabsan geedi-socodka doorasho ee 2016

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Ethiopia, Italy, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa soo dhoweeyay horumarka muhiimka ah ee Madasha Hogaanka Qaran (MHQ) usbuucan ka gaartay hanaanka geedi-socodka doorasho ee 2016.

 

“Madaxda Madashu waxay usbuucan yeesheen shir aan loo kala kicin oo socday shan maalmood. Waxay kawada hadleen arrimo adag. Kasokow kala aragti duwanaanta, waxay ku heshiiyeen arrimo badan oo muhiim u ah geedi-socodka doorashada,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Waxaan soo dhoweynaynaa hogaankan ay hormuudka u yihiin xubnaha Madasha ee dadaalka ballaaran ugu jira in la gaaro horumar siyaasadeed iyo xasilooni”.

 

Saaxiibada caalamku waxay si gaar ah usoo dhoweynayaan ballan-qaadka madaxda Madashu ay ballan qaadeen in marka la gaaro 6da Juun ay soo magacaabaan xubnaha Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHD) iyo afarta Guddi ee Hirgalinta Doorashada Dadban ee Heerka Dowlad Goboleed (GHDG), si ay guddiyadaasi hawshooda u billaabaan 10ka Juun. Guddiga GFHD wuxuu u xilsaarnaan doonaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan iyo jadwalka doorashad. Waxaa sidoo kale uu u xilsaarnaan doonaa ku dhawaaqista natiijada kama dambaysta ah ee codaynta ergada doorasho ay u codaynayaan 275ka xubnood ee aqalka hoose oo kamid noqonaya Baarlamaanka Federaalka ah ee soo socda ee dalku uu yeelan doono.

 

Saaxiibada caalamku waxay sidoo kale soo dhoweynayaan heshiiski laga gaaray qaybinta juquraafi ahaan la qaybiyay kuraasta loo qoondeeyay beelaha, waxayna saaxiibada caalamku taageerayaan in la magacaabo guddi sii amba qaada oo darsa maqaamka iyo matalaadda ay Muqdisho ku yeelanayso Baarlamaanka Federaalka ah.

 

Diyaargarowga farsamo ee geedi-socodka doorashada 2016 hadda ayuu si mug leh u billaaban karaan. Beesha caalamku waxay aaminsantahay in hadda ay lagama maarmaan u tahay madaxda siyaasadda Soomaaliya inay u gudbiyaan khubarada farsamo iyo la-taliyeyaashaba qorshe faah-faahsan iyo qaabki lagu hirgelin lahaa, waxayna beesha caalamku mar kale ku celinaysaa ballan-qaadkeedi adkaa ee ahaa taageerada hirgelinta hanaanka lagu heshiiyay ee loo marayo qaab daah furan, cadaalad ah, oo xor ah.  

 

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay sidoo kale soo dhoweynayaan adkaynti Madashu adkaysay ballanqaadkeedii hore ee ahaa in ayan jiri doonin muddo kordhin lagu sameeyo muddo-xileedka loo xaddiday Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Federaalka wixi ka dambeeya Agosto iyo September 2016, waa sida ay iskugu xigaan. 

 

Waxay xuseen dhismaha guddi heer qarah oo sare u qaada ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka iyo matalaaddooda. Waxay ku boorrinayaan in si dhakhso ah heshiis looga gaaro habka lagu xaqiijinayo fulinta ballan-qaadka Madasha Hogaanka Qaran ee ahaa in 30 boqolkiiba kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka loo dhigayo/qoondayo tartamayaal haween ah. “Ballan qaadki Madasha ee ahaa in 30 boqolkiiba kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka loo qoondeeyo haweenka waa arrin aad muhiim u ah. Haweenka xildhibaanada ah oo tiradoodu badato waxay keenaysaa siyaasad wanaagsan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating.

 

Saaxiibada caalamku waxay sidoo kale soo dhoweynayaan ansixinti Madashu ansixisay Siyaasadda Amniga Qaran ee Soomaaliya iyo heshiiska lagu gaaray in la dhiso Guddiga Amniga Qaranka sida ku xusan siyaasadda (amniga qaranka).

 

Saaxiibada caalamku waxay ka dhur-sugayaan shirka soo socda ee Madasha Hogaanka Qaran yeelan doonto 20ka Juun, (waxay sidoo kale) ka dhur-sugayaan diyaar-garowga farsamo oo billowda waqtigi loogu talo galay iyo fulinta geedi-socodka doorasho iyo dhamaan heshiisyada kale ee ay gaareen madaxda Madasha Hogaanka Qaran.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*