Dowladda federaalka Soomaaliya oo yaraysay xanibaada duulimaadyada ee ay saartay Kismaayo

Garoonka diyaaradaha Kismaayo. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa yaraysay xanibaada duulimaadyada ay saartay magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Balse duulimaadyada u socda iyo kuwa ka imaanaya Kismaayo ayaa looga baahanyahay in ay maraan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray.

Todobaadkii lasoo dhaafay, haayada duulista hawada Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan duulimaadyada Kismaayo laga bilaabo 23 September ilaa 26.

Mamnuucida ayaa keentay in ay dib u dhacdo munaasibada caleemosaarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo qorshuhu ahaa 26 September in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo,

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*