Sports

Xulka Kubbada Cagta France oo u dabaaldegaya guushooda. [Sawirka]

France oo ku guuleysatay Koobka Adduunka 2018

Moscow-(Puntland Mirror) Xulka qaranka kubadda cagta France ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka kadib markii ay 4-2 ku garaaceen Croatia. Laad xor ah oo daqiiqadii 18-aad uu soo laaday Griezmann kadibna uu madax ku sii saray xidiga Croatia Mario Mandzukic ayaa dhinac ka gashay goosha Croatia. Waxay ku qaadatay 11 daqiiqo in Croatia ay keento goosha bar-bar dhaca, taasoo ahayd mid[Read More…]

by July 16, 2018 0 comments Sports
Real Madrid's headcoach Zinedine Zidane enters the pitch prior to a Champions League, round of 16, first-leg soccer match between Roma and Real Madrid, at the Rome Olympic stadium, Wednesday, Feb. 17, 2016. (AP Photo/Andrew Medichini)

Zinedine Zidane oo iska casilay macalinimada Real Madrid

Madrid-(Puntland Mirror) Zinedine Zidane ayaa sheegay in uu ka tagay macalinimada Real Madrid, shan maalmood kadib markii uu kooxda u hoggaamiyay in ay saddex jeer oo isku xigta ku guuleystaan koobka horyaalka kooxaha Yurub. Zidane ayaa ku sheegay shir saxaafadeed: “Wax walba waa ay isbadalayaan taasina waa sababta aaan u qaatay go’aankan”. Waxa uu ka tagayaa isaga oo kooxda reer[Read More…]

by May 31, 2018 0 comments Sports
Ciyaartowga kubada cagta Puntland. [Xigashada Sawirka: Facebook/ibrahimmusedahran]

Ciyaartowga kubada cagta Puntland oo gaaray final-ka tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya

Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciyaartowga kubada cagta Puntland ayaa gaaray final kadib markii ay 1-0 ku garaaceen martigeliyaha Banaadir ee tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya ee ka socda Muqdisho. Goosha waxaa Puntland u dhaliyay weeraryahan Yacquub Cusmaan qeybtii dambe ee ciyaarta. Kooxda difaacanaysa koobka ee Puntland ayaa ciyaarta final-ka la ciyaari doonta Jubbaland ama Koonfur Galbeed kii soo baxa kuwaasoo beri oo Talaado[Read More…]

by December 18, 2017 0 comments Sports
Isku aadka tartanka kubada cagta maamul goboleedayada Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Goolfm]

Isku aadka tartanka kubada cagta maamul goboleedyada Soomaaliya oo la sameeyay

Muqdisho-(Puntland Mirror) Isku aadka tartanka kubada cagta maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado la sameeyay. Kooxaha ayaa loo kala qeybiyay labo qeybood. Group A: Banaadir, Jubbland, iyo Galmudug Group B: Puntland, Hir-shabelle iyo Koonfur Galbeed. Ciyaarta furitaanka ayaa dhici doonta Jimcada, waxayna dhexmari doontaa Banaadir iyo Jubbland. Puntland oo difaacanaysa horyaalka ayaa u muuqata in ay gashay group fudud,[Read More…]

by December 5, 2017 0 comments Somali News, Sports
Xulka kubada cagta ee Puntland oo tababar ku jira si ay isugu diyaariyaan tartanka kubada cagta maamul goboleedyada Soomaaliya ee Kismaayo. [Xigashada Sawirka: Facebook/sharma'arke Dal-daare]

Kooxda kubada cagta Puntland oo bilaabay tababar si ay ugu diyaargaroobaan tartanka kubada cagta maamul goboleedyada Soomaaliya

Garoowe-(Puntland Mirror) Kooxda kubada cagta heer gobol ee Puntland ayaa gudaha magaalada garoowe ka bilowday tababar si ay isugu diyaariso Tartanka Kubada Cagta ee maamul goboleedyada Soomaaliya oo bisha soo socota ka dhici doona magaalo xeebeedka Kismaayo. Horaantii bishaan, Xiriirka Kubada Cagta Puntland ee (PFF) ayaa iclaamiyay tirada ciyaaryahanada Puntland uga qeybgali doona tartanka Kismaayo. Xidigo ka socday Puntland ayaa ku[Read More…]

by September 21, 2017 0 comments Sports
Koobka Qaramada Afrika oo la qaban doono bilaha June iyo July waxaana laga dhigay 24 qaran. [Sawirka: Archive[]

Koobka Qaramada Afrika oo la qaban doono bilaha June iyo July waxaana laga dhigay 24 qaran

Rabat-(Puntland Mirror) Koobka Qaramada Afrika ayaa la qaban doonaa bilaha June iyo July ee sanadka 2019, Xiriirka Kubada Cagta Afrika (CAF) ayaa sidaa xaqiijiyay. Koobka ayaa awal la qaban jiray bilaha January iyo February, taasoo sababi jirtay in xidigaha Afrika u dhashay ee u ciyaara naadiyaasha Yurub ay ka tagi jireen kooxahooda si ay ugu soo ciyaaraan qaramadooda. Sidoo kale[Read More…]

by July 21, 2017 0 comments Sports
Real Madrid oo ku guuleysatay horyaalka naadiyaasha Yurub. [Sawirka: Twitter]

Real Madrid oo ku guuleysatay horyaalka naadiyaasha Yurub

Cardiff-(Puntland Mirror) Kooxda kubada cagta Real Madrid ayaa ku guuleysatay horyaalka naadiyaasha qaarada Yurub kadib markii ay xalay oo Sabti ahayd kooxda reer Talyaani ee Juventus ku garaacday 4-1, ciyaarta kama dambaysta ahayd oo ka dhacday magaalada Cardiff ee dalka Wales. Xidiga reer Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa furay goolasha markii ay ciyaartu maraysay 20 daqiiqo qeybteedii hore, waxaana uu[Read More…]

by June 4, 2017 0 comments Sports
Cameroon oo ku guulaysatay koobkeedii kowaad ee Koobka Qaramada Afrika. [Sawirka: BBC]

Cameroon oo ku guulaysatay koobkeedii shanaad ee Koobka Qaramada Afrika

Xidigaha madow ee Cameroon ayaa ku guulaystay koobkoodii kowaad ee Koobka Qaramada Afrika kadib markii ay 2-1 ku garaaceen ciyaartowgii reer Masar. Intii lagu guda jiray qatbtii kowaad ee ciyaarta, Mohammed Elneny ayaa hoggaanka u dhiibay Masar laakiin waxaa goolkiisa ka jawaabceshay Nicolas N’Koulou. Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa Vincent Aboubakar najiijada ciyaarta ka dhigay 2-1. Cameroon ayaa noqotay Qaranka[Read More…]

by February 6, 2017 0 comments Sports
FIFA oo 48 ka dhigtay dalalka ka qeybgalaya Koobka Aduunka. [Sawirka: Archive]

FIFA oo 48 ka dhigtay dalalka ka qeybgalaya Koobka Aduunka

Geneva-(Puntland Mirror) Ururka maamula kubada cagta caalamka ee FIFA ayaa maanta oo Talaado ah u codeeyay kordhinta tirada qaramada ka qeybgalaya Koobka Aduunka iyadoo awal ay ahaayeen 32 ayaa hadda laga dhigay 48. Isbadalka ayaa imaan doona sanadka 2026-da, sida ay xaqiijisay FIFA. FIFA ayaa sheegtay in loo qeybin doono dalalka 16-group oo group walba ay ku jiraan saddex dal.[Read More…]

by January 10, 2017 0 comments Sports
Tartanka kooxaha kubada cagta Puntland oo Garoowe ka bilaabmay. [Sawirka: Boqor Moha Kaysar/Facebook]

Tartanka kooxaha heerka kowaad ee kubada cagta Puntland oo Garoowe ka bilaabmay

Garoowe-(Puntland Mirror) Tartanka naadiyaasha heerka kowaad ee kubada cagta ee gobolada Puntland ayaa maanta oo Axad ah si rasmiya uga furmay caasimada dowladda Puntland ee Garoowe. Sagaal kooxood ayaa tartanka ka qeybgalaysa waxayna kala yihiin. Garoowe FC Somtel Homboboro SBC Bari FC Qardho FC Horseed Comsed Boosaaso FC Ciyaartii ugu horeysay ee furitaanka ayaa galabta ka dhacday garoonka Mire Awaare[Read More…]

by January 8, 2017 0 comments Sports
Scroll Up