Gobolka Nugaal oo ku guuleystay koobkeedii 3-aad ee Tartanka Kubada Cagta Gobolada Puntland

[Isha Sawirka: Bulshaawi]

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Xulkada gobolka Nugaal ayaa ku guuleystay Koobka Kubada Cagta Gobolada Puntland kadib ciyaarta kama dambaysta ahayd oo ay iskaga hor yimaadeen kooxda sanadkan martigelinaysay ee Mudug.

Ciyaartii caadiga ahayd ee 90-ka daqiiqo ayaa ku soo idlaatay 0:0, waxaana la isla aaday gool ku laad, taasoo guushu ku raacday gobolka Nugaal 6:5 qaybtii gool ku laadka ugu horeysay ee dhimashada deg-dega ah.

Nugaal ayaa noqonaysa kooxda labaad ee ugu koobabka badan iyadoo haysata 3 koob, halka Bari ay tahay kooxda ugu koobka badan Tartanka Kubada Cagta Gobolada Puntland, iyadoo haysata afar koob. Gobolada Sool iyo Haylaan ayaa iyana haysta mid hal koob.

Tartanka oo labadii sanno mar la qabto ayaa ahaa kii 9-aad, kaasoo markii ugu horeysay lagu qabtay meel ka baxsan caasimada Puntland ee Garoowe, oo sideedii tartan oo hore lagu soo qabtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*