Zinedine Zidane oo iska casilay macalinimada Real Madrid

Zinedine Zidane oo saddex koob oo Horyaalka Kooxaha Yurub u qaaday Real Madrid. [Sawirka]
Madrid-(Puntland Mirror) Zinedine Zidane ayaa sheegay in uu ka tagay macalinimada Real Madrid, shan maalmood kadib markii uu kooxda u hoggaamiyay in ay saddex jeer oo isku xigta ku guuleystaan koobka horyaalka kooxaha Yurub.

Zidane ayaa ku sheegay shir saxaafadeed: “Wax walba waa ay isbadalayaan taasina waa sababta aaan u qaatay go’aankan”.

Waxa uu ka tagayaa isaga oo kooxda reer Spain u qaaday saddex koob oo horyaalka kooxaha Yurub ah iyo hal koob oo horyaalka Spain ah tan iyo markii uu Real Madrid la wareegay bishii Janaayo ee sanadkii 2016.

“Waan jeclahay kooxdan,” ayuu ku sii daray.

“Waxa aan u maleynayo in kooxdan ay u baahantahay waa in ay sii wado guusha balse waxaan qabaa in ay u baahantahay isbadal, cod kale, iyo qaab kale taasina waa sababta aan u qaatay go’aankan”. Ayuu yiri.

Zidane, oo 45-sanno jir ah, ayaa la wareegay Real Madrid kadib markii shaqada laga ceyrshay Rafael Benitez. 

Si kastoo ay ahaataba, go’aankiisa ayaa noqonaya mid laga naxo dhowr maalmood kadib markii Real ay 3-1 ku garaacday Liverpool ciyaartii kama dambeysta ahayd ee horyaalka kooxaha Yurub.

Go’aan qaadashada cida noqon doonta macalinka xiga ee Real Madrid ayaa waxaa gaari doona madaxweynaha kooxda Florentino Perez.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*