Goosha waxaa Puntland u dhaliyay weeraryahan Yacquub Cusmaan qeybtii dambe ee ciyaarta.
Kooxda difaacanaysa koobka ee Puntland ayaa ciyaarta final-ka la ciyaari doonta Jubbaland ama Koonfur Galbeed kii soo baxa kuwaasoo beri oo Talaado ah wada ciyaari doona.
Dhammaan magaalooyinka waa-weyn ee Puntland ayaa waxaa ka dhacay dabaaldegyo lagu soo dhaweynayo guusha kooxda.