Erdogan oo codsaday in la caawiyo dalalka ay abaartu ku dhufatay ee Geeska Afrika

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Xuquuqda Sawirka: Anadolu News Agency]
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. [Xuquuqda Sawirka: Anadolu News Agency]
Ankara-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa qoraalo taxane ah oo uu shalay oo Sabti ahayd soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka codsaday in laga qayb qaato ololaha haayada Bisha Cas ee Turkiga ay ku caawinayso abaarta iyo macaluusha ku dhufatay wadamada Geeska Afrika.

“Indhaha kama qarsan doono sidii loo caawin lahaa wadamada kuwaasoo ay abaarta keentay macaluushu ku dhufatay.” Ayuu ku yiri qoraal uu Twitter-ka soo dhigay Madaxweyne Erdogan, isaga oo intaas ku daray in Turkiga uu bilaabay olole lagu gaarayo dadka Geeska Afrika ee u baahan caawimaada.

Abaar daran ayaa garaacaysa wadamada kuyaala Geeska Afrika sida Soomaaliya, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya iyadoo wadamada qaar sida Koonfurta Suudaan looga dhawaaqay macaluul.

Turkiga ayaa lagu xasuustaa kaalintii libaax oo uu ka qaatay caawimaada abaartii ku dhufatay Soomaaliya sanadkii 2011-kii, taasoo dhalisay xiriirka wanaagsan ee maanta u dhaxeeya Turkiga iyo dalka kuyaala Geeska Afrika ee Soomaaliya.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*