Argentina oo ku guulaysatay Koobka Adduunka 2022

Kooxda Argentina oo u dabaaldegaya guushooda Koobka Adduunka 2022. [Sawirka: Facebook]

Doha-(Puntland Mirror) Mid kamid ah ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka ugu xiisaha badnayd ayaa waxaa isaga hor yimid France oo Koobka difaacanaysa iyo Argentina.

Ciyaarta ayaa qeybteedii hore ku idlaatay 2-0 oo Argentina ay ku hoggaaminaysay kadib labo gool ay kala dhaliyeen Lionel Messi iyo Angel Di Maria. Balse markii Di Maria la bedelay daqiiqadii 64-aad ayaa ciyaarta isbedel ku yimid, waxaana France gool u dhaliyay Kylian Mbappe.

Weerarka France ayaa labo jibaarmay iyagoo labo daqiiqo gudahood goosha barbardhaca ku keenay taasoo uu goolka ku xaqiiqsaday markale laacibka da’da yar Kylian Mbappe.

Ciyaarta ayaa markaas lagu daray 30 daqiiqo, iyadoo Messi uu gool kale xulkiisa hoggaanka ugu dhiibay balse xidigaha France Ayaan quusan taasoo sababtay in maano ay galeen Argentina, taasoo fursad u siisay Mbappe in uu dhaliyo gooshiisii 3-aad ee ciyaarta.

Markii wakhtigii 30-ka daqiiqo ahaa ee ciyaarta ay dhammaatay ayaa la aaday gool ku laad, waxaana halyeyga Argentina noqday goolhaye Martinez oo badbaadiyay laadkii Kingsley Coman, halka sidoo kale saaxiibkiis Aurelien Tchouameni uu khasaariyay laadkiisii kale, ugu damabayna gool ku laadka ugu dambeeya ee guusha Argentina waxaa shabaqa ku hubsaday Gonzalo Montiel, taasoou horseeday in dalkiisa uu ku guuleysto Koobka Adduunka 2022 oo lagu qabtay dalka Qatar.

Koobkii ugu dambeeyay ee Argentina qaado ayaa ahaa 1986 kaasoo uu qaaday halyeykii geeriyooday Diego Maradona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*