Xiisad ka taagan magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo

Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay rabshado dhexmaray dadka Soomaaliyeed ee Beled Xaawo kunool iyo ciidanka Kenya. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xiisad ayaa ka taagan magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo kadib markii Kenya ay halkaas dib uga bilowday derbi u dhaxeyn doona xuduuda Kenya iyo Soomaaliya.

Dadka deegaanka Beled Xaawo ayaa aad uga carooday derbi dhisida Kenya iyaga oo ku eedeynaya in ay soo gashay qeyb kamid ah dhulka Soomaaliya.

Dadka ayaa maalmihii dhawaa ee lasoo dhaafay Beled Xaawo ka dhigay mudaharaadyo ay uga soo horjeedaan dhismahaas.

Kenya ayaa halkaas ciidamo aad u badan iyo baaburta dagaalka geysay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay rabshado dhexmaray dadka Soomaaliyeed ee halkaas kunool iyo ciidanka Kenya.

Dhismaha derbiga

Kenya ayaa si rasmi ah u bilowday dhismaha derbiga bishii Maarso 2015. [Sawirka]
Kenya ayaa dhismaha derbigaas oo dhererkiisu dhanyahay 440-km bilowday bishii Maarso ee sanadkii 2015, iyaga oo ku andacoonaya in uu joojin doono weerarada joogtada ah ee maleeshiyada Al-Shabaab ay ka geysato gudaha dalka Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in dhismaha derbigaas ay ku bixi doonto dhaaqale aad u badan.

Masuuliyiinta Kenya ayaa sheegay in kaamirooyinka CCTV lagu xiri marka la dhammeeyo dhimsha derbiga si loola socdo dhaqdhaqaaqyada.

Al-Shabaab ayaa weeraro badan oo dhiig ku daatay ka geysatay gudaha Kenya tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya sanadkii 2012.

Dowladda federaalka Soomaaliya

Dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaan si rasmi ah weli uga hadlin xiisada soo cusboonaatay ee u dhaxeysa dadka deegaanka Beled Xaawo iyo Kenya.

Maanta oo Sabti ah, aqalka sare ayaa u yeeray afar kamid ah wasiiradda Soomaaliya oo kala ah Wasiirka Arrimaha Dibada, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Gaashaandhiga si wax looga weydiiyo waxa ay ka ogyihiin xiisada kasoo cusboonaatay Beled Xaawo.

Bishii Janaayo 2018, Wasiirkii Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa ee shaqada laga ceyrshay iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaaray Beled Xaawo kadib markii dadka deegaanka Beled Xaawo ku eedeeyeen Kenya in ay kusoo xadgudubtay dhulka Soomaaliya.

Wasiirkii hore ee Arrimha Gudaha Juxa oo bishii Janaayo booqday halka laga dhisayo derbiga. [Sawirka]
Wasiir Juxa iyo wefdigiisa ayaa soo arkay xadka u dhaxeeya labada dal iyaga oo macluumaad kasoo uruurshay cabashada dadka deegaanka balse Juxa ayaa shaqada laga qaaday dhowr maalmood kadib.

Dadka Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada dhaleecayn uga soo jeedinaya dowladda federaalka Soomaaliya iyaga oo sheegay in Kenya ay kusoo xadgudubtay dhulka Soomaaliya ayna dhibbaato ku heyso dadka deegaanka Beled Xaawo halka dowladda Soomaaliya ay hadda ku mashquulsanthay khilaaf dhexdeeda ka jira .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*