Wasiirkii Warfaafinta ee ugu horeeyay Puntland Cawad Casharo oo ku geeriyooday dalka Canada

Sawirka: Marxuum Cawad Casharo.

Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirkii Warfaafinta ee ugu horeeyay Puntland Cawad Axmed Casharo ayaa ku geeriyooday dalka Canada maanta oo Isniin ah, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Marxuum Casharo ayaa kaalin weyn kasoo qaatay dhismaha dowladda Puntland sanadkii 1998.

Casharo ayaa sidoo kale soo noqday xildhibaan katirsan dowladii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya ee madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*