Garoowe: Wadada isku xirta magaalada iyo xarumaha dowladda ee kuyaala duleedka magaalada oo laami la saarayo

Wasiir Caarshe ayaa sheegay in wadadu ay fududeyn doonto isku socodka shaqooyinka dowladda. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dhismaha waddo laami ah oo isku xiri doonta magaalada Garoowe iyo xarumaha dowladda oo kuyaala duleedka magaalada ayaa bilaabmatay, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyada Puntland.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Cabdiqaadir Siciid  Caarshe oo Sabtidii tagay wadada ayaa warbaahinta u sheegay in shaqadu ay si rasmi ah u socoto. Caarshe ayaa intaas ku darey in wadadu ay fududeyn doonto isku socodka shaqooyinka dowladda.

Wasiirka Maaliyadda ma uusan sheegin cida bixineysa dhaqaalaha ku baxaya dhismaha, balse ilo-wareedyo madaxbanaan ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in Bangiga Adduunka uu bixinayo.

Xarumo dowladeed oo ay kamidyihiin wasaaraddo iyo warbaahinta dowladda ayaa kuyaala duleedka magaalada, halkaas oo ay liidatay wadada isku xirta magaalada iyo xarumahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*