Midowga Afrika oo soo jeediyay in 4,000 ciidamo dheeraad ah la geeyo gudaha Soomaaliya

Midowga Afrika oo soo jeediyay in 4,000 ciidamo dheeraad ah la geeyo gudaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Midowga Afrika oo soo jeediyay in 4,000 ciidamo dheeraad ah la geeyo gudaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Guddiga Isku-xirka Howlgalada Milatariga (MOCC) ee howlgalka Midowga Afrika ee gudaha Soomaaliya (AMISOM) oo kulankoodii 22-aad ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya ayaa soo jeediyay in 4,000 ciidamo dheeraad ah loo diro gudaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa hoosta looga xariiqay in si deg deg ah ay Qaramada Midoobay iyo beesha caalamku u taageeraan ciidamadaas dheeriga ah oo gaaraya 4,000 si loogu adkeeyo ciidamada AMISOM ee horey u joogay gudaha Soomaaiya oo dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyeyaasha dalalka ciidamada ku deeqay AMiSOM, sida Itoobiya, Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Uganda ayaa ka qeybgalay kulanka Addis Ababa ka dhacay oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Guddiga Ammaanka iyo Nabada Midowga Afrika, danjire Smaïl Chergui.

Sanadkii 2007-dii, ayaa ciidamadii ugu horeeyay ee ka socda Midowga Afrika yimaadeen gudaha Soomaaliya kadib qaraar kasoo baxay Midowga Afrika, kuwaasoo ka socday dalka Uganda.

22,000 ciidamo gaaraya oo ka socda Midowga Afrika ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya ilaa iyo hadda.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*