Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ka jawaabtay hadalkii wasiirka waxbarashada Soomaaliya – Warsaxaafadeed

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax (Midig) wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan (Bidix) oo shir jaraaid ku qabtay Garoowe, April 18, 2019. [Xigashada Sawirka: wasaaradda waxbrashada Puntland.
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah soo saartay war-saxaafadeed ay uga jawaabayso hadalkii wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Bare ayaa Arbacadii sheegay in Puntland ay diiday in ay gasho imtixaanka iskuulada ee ay wasaaradiisu soo diyaarisay, waxaana uu ku hanjabay in arrintaas ay khatarta ku keeni karto ardayda Puntland.

War-saxaafadeed maanta ay soo saartay wasaaradda waxbarashada Puntland, ayay ku faahfaahisay hanaanka imtixaanaadkeeda, heshiisyo hore oo labada wasaaradood dhexmaray iyo sababta keentay in Puntland diido in ay gasho imtixaanka ay soo diyaarisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Hoos ka akhri war-saxaafadeedka oo dhammeystiran:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*