Baarlamaanka Puntland oo kala diray Haayada Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland

Baarlamaanka Puntland. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah kala diray Haayada Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland, sida ilo-wareed katirsan baarlamaanka uu u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Tilaabada ayaa timid kadib markii Guddoomiye Ku Xigeenka Haayada Shaqaalaha Rayidka ah Jaamac Xirsi uu baarlamaanka ka codsaday in ay kala diraan haayada isaga oo Guddoomiyaha ku eedeeyay musuqmaasuq.

Sanadihii u dambeeyay, waxaa lagu eedaynayay Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland Mustafe Siciid Shabac in uu si musumaasuq daran ah u maamulay mashruuca tayeynta shaqaalaha “Capacity Injection Project” (CIP) oo Bangiga Adduunku uu ka caawiyo haayadaha dowladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*