Ciidamada Senegal oo gudaha u galay dalka Gambia si ay dabada uga riixaan madaxweynaha cusub Adama Barrow

Ciidamada Senegal oo gudaha u galay dalka Gambia si ay dabada uga riixaan madaxweynaha cusub Adama Barrow. [Sawirka: AFP]
Ciidamada Senegal oo gudaha u galay dalka Gambia si ay dabada uga riixaan madaxweynaha cusub Adama Barrow. [Sawirka: AFP]
Dakar-(Puntland Mirror) Ciidamada dalka Senegal ayaa gudaha u galay Gambia si ay u xaqiijiyaan in madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia Adama Barrow uu xilka la wareego, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Senegal.

Arrintan ayaa imaanaysa wax yar kadib markii Mr Barrow madaxweynenimada loogu dhaarshay gudaha safaarada Gambia ee kutaala caasimada Senegal ee Dakar.

Waxa uu aqoonsi ka helay caalamka. Balse ninka awooda badan Yahya Jammeh ayaa diiday in uu xilka ka dego iyada oo wakhtiga xil hayntiisa ay baarlamaanka u kordhiyeen.

Hoggaamiyaasha Galbeedka Afrika ayaa ku hanjabay in ay awooda uga tuuri doonaan Jammeh xoog milatari.

Kornayl  Abdou Ndiaye oo ah afhayeenka ciidamada Senegal ayaa sheegay in ciidamadoodu ay gelinkii dambe maanta oo Khamiis ah gudaha u galeen dalka Gambia.

Madaxweynaha la doortay Adama Barrow ayaa amray askarta Gambia in ay ku sugnaadaan xeryahooda.

Boqolaal qof ayaa ka cararay caasimada dalk Gambia ee Banjul iyaga oo ka cabsi qabo dagaalo dhexmara ciidamada Yahya Jammeh iyo ciidamada huwanta ah ee wadamada Galbeedka Afrika.

Wasiirka warfaafinta Gambia Sidie Njie ayaa warbaahinta u sheegay maanta oo Khamiis ah in Mr Jammeh uusan xafiiska ka tagi doonin.

Khuburada falaanqeysa arrimaha siyaasada ayaa sheegaysa in xaalada Gambia aan la saadaalin Karin halka ay ku dambayn doonto.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*