Sakiya Xuseen oo noqotay haweenaydii ugu horeysay oo ciidamada ka gaarta “Sareeye Guuto”

Raysulwasaare Khayre oo Sakiya u xiraya darajada “Sareeye Guud”. [Xigashada Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sakiya Xuseen ayaa loo xiray darajada Sareeye Guuto, iyada oo noqoneysa haweenaydii kowaad oo darajadaas ka gaarta taariikhda ciidamada Soomaaliyeed.

Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa darajada u xiray haweenaydaas maanta oo Axad ah.

“Qaran guulaysanaya ma jiro haddii aan qayb waliba oo bulshada kamid ah xuquuqdeeda la siinin. Haddii gabdhaha Soomaaliyeed ay bulshada ka yihiin boqolkiiba konton oo aan duudsiinno xuquuqdooda, ma dhisi karayno Soomaaliya la tartami karta waddamada deriska ah,” ayuu yiri Xasan Cali Khayre oo Sakiya darajada ugu xirayay iskuulka tababarka booliiska ee Janaraal Kaahiye ee Muqdisho.

“Gabar walba oo Soomaaliyeed waxa aan leeyahay haku fekerina in aad noqotaan gabdho garaadda qaata, ee noqda madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaarayaasha soo socda.” Ayuu ku sii daray.

Sakiya ayaa bishii Agoosto 16-keedii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay taliye ku xigeenka ciidamada booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*