Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo noqday Garoowe

IMG_7217
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo saxaafada kula hadlayay aqalka madaxtooyada Garoowe 25, Juun, 2016.

 

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntand Cabdiweli Maxamed Cali iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo noqday caasimada Puntland, Garoowe.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka kumeel gaarka ah Kanoonko ee duleedka Galbeed Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka dowlada Puntland Cabdixakiin Cumar Camay, wasiiro, xildhibaano iyo saraakil kale oo dowlada ah.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa saxaafada maxaliga ah kula hadlay xarunta madaxtooyada Puntland, Madaxweynaha ayaa sheegay in uu magaalada Baydhabo kaga qayb galay shirkii madasha wadatashiga qaranka kaas oo lagu dhammaystirayey hawlaha qaybyada ah ee la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shirkaasi uu guul  kusoo dhammaaday isla markaana uu rajeynayo in waqtiga yar ee dhiman wax waliba sidii loogu talo galay ay kusoo dhammaadaan iyadoo la filayo  in ay dalka ay ka qabsoonto doorasho ka wanaagsan middii qabsoontay 2012-kii.

 

 

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*