Ugu yaraan 39 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay suuq mashquul badan oo kuyaala Baqdaad

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay suuq mashquul badan oo kuyaala Baqdaad. [Sawirka: Twitter]
Ugu yaraan 39 qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay suuq mashquul badan oo kuyaala Baqdaad. [Sawirka: Iraqi day/ Twitter]
Baqdaad-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 39 qof ayaa lagu dilay 57 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo ka dhacay suuq mashquul badan oo kuyaala caasimada dalka Ciraaq ee Bqdaad gaar ahaan degmada Sadr, sida ay sheegeen booliiska iyo ilo-wareedyo caafimaad.

Qofka is-qarxiyay oo waday gaari ayaa weerar ku qaaday irida hore ee suuq lagu iibiyo khudrada iyo furutka, sida ay sheegeen booliisku.

Ma jirto cid sheegatay masuulida weerarkaas maanta oo Isniin ah balse kooxda Dowlada Islaamiga ah sidoo kale loo yaqaan (ISIS) ayaa badanaa weeraro kan oo kale ah la beegsada meelaha ay joogaan dadka rayidka ah.

Weerarkan ayaa imaanaya labo maalmood kadib markii ugu yaraan 27 qof lagu dilay 57 kalena lagu dhaawacay labo qarax oo ka dhacay bartamaha magaalada Baqdaad, oo ay masuuliyadiisa sheegatay ISIS.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*