Ergayga gaarka ah ee Britain u qaabilsan Geeska Afrika oo codsaday in la qaado tilaabo si looga hortago macaluul dhimasho keenta in ay Soomaaliya ka dhacdo

 

Ergayga gaarka ah ee Britain u qaabilsan Geeska Afrika Nicholas Kay. [Sawirka: Archive]
London-(Puntland Mirror) Boqolaal qof oo Soomaali ah ayaa laga yaabaa in ay geeriyoodaan amaba qarka u saaran dhimasho haddii aan si deg deg ah loo qaadin tilaabo si looga hortago khatarta macaluusha, ergayga dalka Britain u qaabilsan Geeska Afrika ayaa shalay oo Arbaco ahayd ka digay.

Isaga oo u waramayay koox suxufiyiin ah, Nicholas Kay ayaa sheegay in Britain ay aad uga walaacsantahay khatarta macaluusha gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya oo bartamihii 2011-kii soo martay macaluul daran, ayaa hadda waxa ay la daalaa dhacaysaa abaar daran.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay ku dhawaad 5 milyan oo dad ah ayaa u baahan kaalmo bini’aadanimo gudaha gobolada kala duwan ee Soomaaliya.

Dowladda Britain ayaa qorsheynaysa shir ku saabsan Soomaaliya oo bisha May lagu qaban doono gudaha magaalada London si xal loogu raadiyo xasilooni darada mudada dheer ka taagan gudaha dalka, balse Keating ayaa sheegay in ficil dhaqso ah loo baahanyahay in la qaaado.

“Haddii shirku uu dhacayo bisha May, kaasii waa mid aad u soo daahaya, marka waxaan rabnaa in hadda laga wadahadlo arrimaha macaluusha,” ayuu yiri Mr. Kay, oo soo noqday ergaykii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya.

“Waxaa laga yaabaa in boqolaal qof ay u dhintaan abaarta darteed.” Ayuu ku daray.

Dhawaan, xafiiska isku xirka insaanimada Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa dalbatay sanadkan 2017-ka dhaqaale gaaraya $864 milyan si loogu caawiyo ku dhawaad dad dhan 3.9 milyan oo ay abaarta ka jirta Soomaaliya saameysay.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*