Madaxweynaha Puntland oo shaqo joojin ku sameeyay duqa degmada Boosaaso sababo la xiriira eedaymo musuqmaasuq

Duq degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa shaqo joojin ku sameeyay duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan sababo la xiriira eedaymo musuqmaasuq, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha fiidnimadii Talaadada.

Gu xigeenka duqa degmada Boosaaso ayaa laga dhigay ku sii sime, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay madaxtooyada.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa la faray in uu baaris dhammeystiran ku sameeyo maamulka dowladda hoose ee Boosaaso, bayaanka ayaa intaas ku daray.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*