Xaaska ninkii geystay weerarka baarka Orlando oo la maxkamadayn doono

Xaaska ninkii qoriga watay kaasoo 49 qof ku dilay baar ay leeyihiin raga isku-tagga oo ku yaala magaalada Orlando ee Maraykanka ayaa la maxkamadaynayaa iyadoo lala xiriirinayo weerarkaas, sida ay sheegayaan warbixinada.

Xeer ilaaliyaasha ayaa bilaabay baaritaanka Nuur Salmaan, oo ah xaaska ninkii weerarka geystay, Cumar Matiin, sida ay ku waramayaan ilo-wareedyo ay soo xigteen taleefishinka Fox News iyo wakaalada wararka Reuters.

Waxaa la sheegay in ay booliiska u sheegtay in ay isku dayday in ay ninkeeda ka joojiso inuusan weerarin baarkaas lagu magacaabo Pulse.

Weerarka Florida ayaa ahaa kii ugu xumaa taariikhda Maraykanka oo dad intaas la eg hal meel isku mar lagu toogto.

Konton iyo saddex qof ayaa ku dhaawacantay weerarkaas oo ay lix qof ku suganyihiin xaalad daran.

Sidoo kale, haweenta ayaa la wareysanayay ilaa iyo markii uu weerarka dhacay, balse lama xirin.

Madaxweynaha Maraykanka Obama ayaa booqan doona baarka Pusle oo toogashada ka dhacday maalinta beri oo Khamiis ah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*