Tirada dhimashada qaraxyadii Muqdisho oo gaartay 50 qof

Sawirka: Baabuurta gargaarka deg-dega ah ee Amin ee Muqdisho.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada ee qaraxyadii Muqdisho ayaa gaartay 50 qof, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan ciidamada booliiska iyo xarumaha caafimaadka.

Dadka ku dhaawacmay qaraxyadaas oo galabnimadii Jimcada ka dhacay Muqdisho ayaa ku dhow 100 qof.

Tirada dhimashada ayaa marba marka ka dambeysa kordhaysay sababtoo ah qaraxyada oo si xun u waxyeeleeyay dadka.

Intooda badan dadka ku waxyeeloobay qaraxyada ayaa ahaa dad shacab ah, sida ay wararku sheegayaan.

Qaraxyada oo ka koobnaa saddex gaari ayaa labo kamid ah lala beegsaday Huteel Saxafi, halka midka saddexaad uu ka dhacay wado mashquul badan oo u dhow huteelka.

Huteel Saxafi oo ah huteel caan ah oo kuyaala wadada KM4 ayaa dhowr jeer oo hore lala beegsaday qaraxyo.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas lala beegsaday Huteel Saxafi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*