Ciidamada ammaanka Puntland oo Boosaaso ku xiray ugu yaraan 20 qof oo looga shaki qabo argagixiso

Ciidamada ammaanka Puntland oo Boosaaso ku xiray ugu yaraan 20 qof oo looga shaki qabo argagixiso. [Sawirka: Cali Ducaale]
Ciidamada ammaanka Puntland oo Boosaaso ku xiray ugu yaraan 20 qof oo looga shaki qabo argagixiso. [Sawirka: Cali Ducaale]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka dowladda Puntland ee jooga Boosaaso ayaa xiray ugu yaraan 20 qof kadib howlgalo ka dhan ah argagixisada oo ay ciidamada maanta oo Talaado ah ka sameeyeen magaalo xeebeedka, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Dadka laga shakiga qabo ee la xiray ayaa loo qaaday saldhiga booliiska si loogu sameeyo baaritaan, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa ka dhacay weeraro dil ah oo is xig-xiga oo lala bartilmaameedsanayo saraakiisha ammaanka iyo masuuliyiinta kale ee dowladda.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*