Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay dilkii loo geystay maamulihii DP World ee dekada Boosaaso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shir jaraaid ku qabtay xafiikiisa, February 4 2019. [Screen-shot]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay dilkii loo geystay maamulihii DP World ee dekada Boosaaso Paul Anthony Fermosa.

Shir saxaafadeed uu ku qabtay xarunta madaxtooyada, Madaxweyne Deni ayaa tacsi u diray qoyskii iyo shirkada DP World ee uu ka dhintay Paul.

Deni ayaa sheegay in dilka loo geystay Paul uu yahay mid argagixiso oo ujeedkiisu yahay sidii loo khatar gelin lahaa nolosha dhaqaale iyo sumcada ummmada Puntland.

“Barnaamijkan manta lagu dilay Paul maahan dil loo geystay shakhsi maamula oo keli ah, waa dil loo geystay ummada Puntland, oo loogu talogalay in la baabi’iyo horumarkooda iyo dhaqaalahooda, sumcadooda iyo barnaamijyada ka socda in dalka lagu horumariyo,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in ay ciqaab la kulmi doonaan cid walba oo ku lug leh arrintan.

“Arrintas baaritaankeeda cid kasta oo lug ku yeelata ama dalka ha joogto ama dibada ha joogto waa dambiilayaal ka galay dambi dadka reer Puntland, cid kasta oo ay ku cadaato arrintaas waxaan ka qaadi doonaa tilaabo sharciga waafaqsan.” Ayuu ku sii daray.

Paul Anthony Fermosa oo u dhashay Talyaaniga ayaa Isniintii saakay waxaa dilay nin baastoolad ku hubeysan meel u dhow dekada.

Ninka dilka geystay ayaa waxaa toogtay ilaalada Paul, sida ay sheegeen ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan

Wuxuu maamulayay dekeda tan iyo dabayaaqadii 2017, markii DP World ay heshiis la saxiixatay dowladda Puntland si ay u horumariso una maamusho dekedda.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa si dhaqso ah u sheegatay masuuliyada dilkaas, sida ay ku warantay Radio Andalus, oo ah idaacad taageerta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*