Kenya Airways oo duulimaadyo toos ah ka bilaabi doonta Nairobi iyo Muqdisho

Sawirka: Maamulaha Kenya Airways Sebastian Mikosz.

Nairobi-(Puntland Mirror) Diyaaradda Kenya Airways ayaa duulimaadyo toos ah ka bilaabi doonta Nairobi iyo Muqdisho Khamiista.

Diyaaradda ayaa la filayaa in todobo jeer asbuucii oo duulimaadyo ay ka sameyso labada magaalo, sida maamulaha Kenya Airways Sebastian Mikosz uu ku sheegay bayaan.

“Ku darista khadkan ee shirkadeena waxay muujineysaa balanqaadkeena ah in aan kor u qaadno isku xirka qaarada Afrika, halka taasi fursado cusub oo iskaashi u abuureyso maalgaliyaasha, ganacsatada iyo dalxiislayaasha,” ayuu yiri Mikosz.

Bishii Maarso 2017, Kenya iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis kaasoo sheegaya in la isku furo labada xad dibna loo bilaabo duulimaadyo toos ah oo isku xiraya Nairobi iyo Muqdisho si ay u fududaato dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecadaha.

Waxay noqon diyaaradii labaad oo ay leedahay dowladdaha deriska oo duulimaadyo ka bilowda Muqdisho intii lagu guda jiray bishaan November.

Jimcadii, diyaarada Ethiopian Airline ayaa Muqdisho ka bilowday duulimaad markii ugu horeysay muddo 40-sanno ah tan iyo 1977 markaas oo labada dal uu dagaal ku dhexmaray xadka.

Soomaaliya ayaa kasoo kabanaysa sanado colaad iyo dagaal sokeeye ah, kuwaasoo naafeeyay dalka kuyaala Geeska Afrika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*