Xildhibaan hore ee Puntland oo loo doortay duqa magaalada Garoowe

Axmed Bare. [Sawir Hore]
Garowe-(Puntland Mirror) Axmed Siciid Muues ayaa loo doortay duqa degmada Garoowe.

Axmed oo loo yaqaan “Axmed Bare” ayaa helay 18 cod halka musharixii la loolamayay uu helay 9 cod wareega kowaad ee doorshada oo lagu qabtay Garoowe maanta oo Arbaco ah.

Waxa uu soo noqday xildhibaan Puntland muddo sagaal sanno ah.

Intii uu ku jiray ololaha duqa, Axmed Bare waxa uu sheegay in xoojinta amnigu magaaladu uu yahay waxyaabaha ugu horeeya ee uu doorbidayo. Sidoo kale waxa uu balanqaaday in uu kor u qaadi doono nadaafada iyo hagaajinta kaabayaasha.

Boqolaal dadka deegaanka Garoowe ayaa u soo baxay warbaahinta bulshada si ay u soo dhaweeyaan duqa cusub ee magaalada ee shanta sanno soo socota.

 

Mr Barre ayaa badali doona duqa kumeelgaarka ah Axmed Maxamed Ducaale, kaasoo go’aansaday in uusan ka qeybgalin doorshada sababo isaga u gaar ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*